Thursday, September 10, 2009

Maxay tahay Soomaalinimo?

Waa su'aal ee...
Soomaalinimo maxay tahay?
ma dal aa?
ma dad aa?
ma dhiig aa?
ma dhul aa?

Dhulkii haddii laga dhoofay,
Duul iyo dabeyl raac,
haddii ay dani ahaatay;
dhiigii hadduu dhaqaaqi waayay;
dalkii hadduu dabku,
dadkiina daadku qaaday;

Gal iyo Mudug
haddii ay kala midooween,
Burca iyo Baydhabo
haddii ay ooda kala xirteen,
Walbahaarkii Wargaduud
hadduu gaareyn Galgaduud,
Kala soocid soomaaliyeed
hadduu suuqa saraf ku leeyahay,

Wadaad iyo wadaadnimo
haddii ay sharaf la'aatay;

Hadduu qamiiray qarankii;
hadduu butaacay burburkii;
hadduu calaacalay calankii;

hadduu saarka iyo suugaanta,
iyo silsiladdii sayyidkeena haboonay
ay ahayn soomaalinimo;

soomaali baan ahay,
haddii ay tahay doqonnimo;
soomaali baan ahay,
haddii ay beeshay gobannimo;
soomaali baan ahay,
haddii ay noqotay ceeb;

MAXAY TAHAY SOOMAALINIMO?
ma dal aa?
ma dad aa?
ma dhiig aa?
ma dhul aa?

waxaa qoray Jamaal Guudle

RAAGE IYO CALASA

Soomaalidu meel walba ay ku sugnaadaan ba, waxay leeyihiin suugaan iyo dhaqan sal balaarsan oo illa boqolaal sana soo taxnay. Waxaa ka mid ah dhaqankani sheekooyinka murtida leh. Halkani waxaan doonaya in aan ka sheega mid aan aad u la dhici jiray.

RAAGE IYO CALASA
Wiil Raage la yiraahda ayaa gabar Calasa la dhaha aad u jeclaaday. Markuu gabadha ka dhaadhacsiini waayay cishqiga uu u qabo iyo guurka u la doonaya ayuu u tagay saaxibkiis Gacal. Wuxuu yirii "Gacalow arintaan ayaa i haysatee bal xal inoo keen". Gacal ayaa ku la taliyay in uu gabadha la roora. Waqtigaas 'gabar-la-roor' waxay aheyd arin kol walba dhacda. Raage ayaa ka codsaday saaxibkiis in uu wehliyo. Maanin maanmaha ka mid ah ayay u amba baxeen tuuladii ay Calasa ku nooleed.

Gabadhii ayay qasab ku soo wadeen. Socod waa socod, daalna waa daal. Mudda dheer markii ay socdeen, oyna ogaatay in ay ka fogaadeen gayiga reerahoodi, waxay damacday in ay su'aala u jeedisa Raage. Waxay tiri "Raagow, waad ila soo roorteen ee, i xambaara misa aan i wada xambaara"

"Innaa lillaah! war ma doqomowday Calasa?! Anagoo intaas dhan miyaad na xambaari kartaa? Adigoo sidaas u ka la jiitamay miyaan ku xambaari karna?" ayuu Raage ku jawaabay.

Markaas uu Gacal soo jeesti oo saaxibkiis ku yiri "War sidaas ku ma wada gabadha. Waxay ku leedahay ii sheekeeya ama aan ii sheekeeyo"

Socodkoodi wuxuu mariyay meel qabri laga qodaayay. Markaas ay kol labaad ku tiri, "Raagow, qofkaan ma dhintay misa wuu nool yahay?". Raage kol kale ayuu is ku yaxyaxay. "Calasay! intuu dhintay soo ma aragtid. Ruux nool miyaa qabri loo qodaa?". Gacal ayaa haddana ku ciliyay oo yiri "Raage Raage Raage! gabadha waxay ku weydiineysa qofkaan dad ma ka tagay misa ka ma tagin?".

Gadaal dambe waxay gaareen magaalo oo gurya wanaagsan leh oo dukaama badan leh. Markaas ay kol saddexaad is ku daydi in ay Raage weydiisa su'aal. "Magaalada ma dhisan tahay misa waa dunsan tahay?" ayay ku tiri Raage. Raagena waa un kii!. Wuxuu yiri "gacaltey, wallaahi oo billaahi miir ma qabtid! ma magaaladaan oo sidaan u qurxoon ayaad maanta i weydiini intay dhisan tahay?" Kii wehelka ahaa ayaa intuu si la yaab eh u fiiriyay saaxibkiis ayuu ku yiri, "Raagow, waryaa! eryada gabadha iyo hadalka ay ku leedahay is ma laha. Gabadha waxay ku su'aashay magaalada madax ma leedahay?!"

Wadaadkii nikaaxin lahaay markii ay gaareen ayay ku tiri shiikhii "saddex su'aal ayaan weydiiyay, saddexdaba wuu gafay. Shiikhow haddi aad tahay nin caalin, haddii aad dooni guur wanaagsan oo xasiloon, wacanow wadaaygiisa igu xir!"